Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u shaacisay in markabka cilmi-baarista Oruç Reis uu dhammeystiray hawlgalka sahanka shidaalka badda Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug, kaddib 234 maalmood oo uu Markabku ku sugnaa biyaha Soomaaliya. Markabkan ayaa xog muhiim ah oo 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo badda Soomaaliya ka tirsan, oo dhulka ay sahantu ka dhacday cabir ahaan gaaraya 4,464 km², sida uu sheegay Wasiirka Macdanta Turkiga. Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ku laabto dalkiisa, iyadoo sahankan kadib loo gudbi doono wejiga labaad ee mashruuca: soo saarista shidaalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka Oruç Reis, isagoo ammaanay dadaalka iskaashiga Turkiga iyo shaqaalaha ku hawlanaa howlgalka, kuna tilmaamay sahankan mid isbeddel weyn ku keeni kara dhaqaalaha dalka iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal. “Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Sahankani wuxuu noo furayaa albaab cusub oo fursado dhaqaale iyo horumar bulsho.” Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay u heelan tahay sidii loogu beddeli lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka fursado wax-ku-ool ah oo wax ka beddela mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in maalgashiga Turkiga uu tusaale u yahay sida dunidu ugu soo jeesanayso Soomaaliya, taas oo haddii si hufan loo maareeyo, noqon karta quwadda tamarta Bariga Afrika.
Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u shaacisay in markabka cilmi-baarista Oruç Reis uu dhammeystiray hawlgalka sahanka shidaalka badda Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada Galmudug, kaddib 234 maalmood oo uu Markabku ku sugnaa biyaha Soomaaliya.
Markabkan ayaa xog muhiim ah oo 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo badda Soomaaliya ka tirsan, oo dhulka ay sahantu ka dhacday cabir ahaan gaaraya 4,464 km², sida uu sheegay Wasiirka Macdanta Turkiga. Oruç Reis ayaa lagu wadaa inuu toddobaadkan ku laabto dalkiisa, iyadoo sahankan kadib loo gudbi doono wejiga labaad ee mashruuca: soo saarista shidaalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay markabka Oruç Reis, isagoo ammaanay dadaalka iskaashiga Turkiga iyo shaqaalaha ku hawlanaa howlgalka, kuna tilmaamay sahankan mid isbeddel weyn ku keeni kara dhaqaalaha dalka iyo xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.
“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda,” ayuu yiri Madaxweynaha. “Sahankani wuxuu noo furayaa albaab cusub oo fursado dhaqaale iyo horumar bulsho.”
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay u heelan tahay sidii loogu beddeli lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka fursado wax-ku-ool ah oo wax ka beddela mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale sheegay in maalgashiga Turkiga uu tusaale u yahay sida dunidu ugu soo jeesanayso Soomaaliya, taas oo haddii si hufan loo maareeyo, noqon karta quwadda tamarta Bariga Afrika.
Comments
Post a Comment